Wararka

Soomaaliland” Cidna kama qeyb-geli karto Caleema-saarka Axmed Madoobe:-(Dhageyso)

Maalmihii la soo dhaafay waxa jirtay muran ka dhashay in Xildhibaano ka tirsan Soomaaliland ay ka qeyb-galayaan Xaflada Caleema-saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam,waxaana taasi ay keentay in Soomaaliland ay go’aano kazoo saarto ka qeyb-galka Xafladaha iyo shirarka u dhaxeeya dadka Soomaaliyeed.

Garyaqaanka guud ee Soomaaliland Cabdi Samad Cumar Maal ayaa sheegay in Sharciga u yaalla Soomaaliland uu qabo in qof walba ha ahaado Siyaasi, Aqoon yahan iyo cid kasta in uusan ka qeyb-geli karin Arrimaha siyaasiga ee Soomaaliya.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray  in dadka kaliya ee ka qeyb-galaya Xaflad ama arrimaha siyaasiga Soomaaliland ay tahay xukuumadda,taasina ay horay u saxiixeen labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliland.

“”Cid kasta oo ka qeyb-gasha wada-hadallada ama Xafladaha Arrimaha siyaasiga Soomaaliya ama ku taageerta ficil iyo qoraal waa dambiile galay qiyaano qaran xilkiisana ku weeynaya laguna xiraayo,wuxuuna hoos u dhigay maqaamka Soomaaliland ayuu yiri” Garyaqaanka guud ee Soomaaliland.

Halkaan hoose ka dhageyso

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *