Wararka

Maamulkii hore Ee Jubbaland Oo jawaab ka bixisay qoraalkii Dowladda Soomaaliya

Maamulkii hore ee dowlad goboleedka Jubaland ee haatan isaga isdoortey ayaa ka soo horjeestay habraacii doorashooyinki barlamaanka ee Jubaland ee ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka.

Wasiirkii hore ee Warfaafinta Jubbaland Cabdi Xusseen Sheekh Maxamed oo la hadlayay Idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sharci-darro ku tilmaamay warqada kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirkan ayaa dowladda federaalka ku eedeeyay in maalin walba ay ka lalmato maamul goboleedyada, waxaana uu intaa raaciyay in dhawaan ay qabanayaan caleema saarka Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaasheegtay in loo baahan yahay in la magacaabo guddi farsamo oo loo dhan yahay kana shaqeeyn doonaa soo xulidda xildhibaannada iyo xalinta khilaafaadka iyo cabashooyinka ka dhasha doorashada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *