Wararka

Xafladda Caleema saarka Bugta ahaa Oo Dib loo dhigey Markale

Maalmihii la soo dhaafay waxaa la hadal haayey in  Arbacada soo socota ee todobaadkaan Magalada Kismaayo lagu qabanayo Xaflada Caleema-saarka Bugta ahaa Ee Hogaamiyihii hore ee Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe hayeeshee waxaa la sheegay in dib loo dhigay.

Waa markii labaad oo dib loo dhigo Xaflada bugta ah Ee Caleema-saarka dhowr arrimood oo lagu sababeeyay Awgood oo ay qeyb ka yihiin dowladda Soomaaliya oo doorashadii ka dhacday jubbaland qaadacday sidoo kalena Garoonka ka celisay xubno kaqeyb-geli lahaa Xaflada iyo khilaafka xoogeystay Ee Dowladda iyo Maamulkii hore ee Jubbaland.

Xildhibaan C/risaaq Axmed Maxamed Jindi oo katirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Risaala u xaqiijiyey in dib loo dhigay Xaflada Caleema-saarka Axmed Madoobe oo Arbacada todobaadkaan lagu qaban lahaa Kismaayo.

Xildhibaanka ayaa waaa uu sheegay in sababta dib u dhaca ay keentay,kadib markii sida uu sheegay siyaasiyiin doonayey inay ka qeyb-galaan Xaflada ay dowladda Soomaaliya u diiday inay ka dhoofan Magaalada Muqdisho si ay u aadaan Magalada Kisamayo.

Masheegin Xildhibaanka oo kamid ahaa wafdigii dhawaan tegay Kismaayo oo ay kamid ahaayeen Hogaamiyeyaashii hore ee Galmudug Cabdi Kariin Guuleed iyo K/Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan waqtiga rasmiga ah ee la qabanayo Xaflada Caleema-saarkan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *