Wararka

Xildhibaan Cabdirixmaan Ibbi Oo Sheegay sababta loo sugi la’yahay Amniga Muqdisho:-(Dhageyso)

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xaaji Adan ( Ibi) oo kamid ah Xildhibanaada golaha Shacabka ee baarlamaanka  Soomaaliya oo Galabta ka qeyb-galayay munaasabad soo dhaweyn ah oo muqdisho loogu qabtay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxa uu sheegay Caasimadda in aysan dhismeen hadii aanan la garab istaagin maamulka gobalka banaadir.

Waxaa uu sheegay in magalada Xamar aysan nabad noqoneyn,isla markaana aysan dhismeen hadii dadka muqdisho aysan daacad ka noqon bixinta Canshuurta iyo la Shaqeynta Maamulka gobolka Banaadir.

Hadalka Xildhibaan Cabdiraxmaan Xaaji Aadan ( Ibi) oo kamid ah Xildhibanaada golaha Shacabka ayaa kusoo aadaya xilli Siyaasiyiin iyo dad badan ay dhowr jeer Madaxda dowladda ugu baaqeen inay xooga saaraan sugida amniga Magalada Muqdisho.

Halkaan hoose ka dhageyso

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *