Wararka

Shirka Wadatashiga Maamulka K/Galbeed Oo Maanta ka furmey Magaalada Beydhabo:-(Sawiro)

Waxaa maanta ka dhacay Magaalada Beydhabo shirka wada tashiga Ee wasaarada Arimah gudaha iyo dib u hashinsinta K/Galbeed Soomaliya kaas Oo ay ka qeybgaleen dhamaan Maamulada K/Galbeed Baay,Bakool iyo shabeelaha hoose.

Shirkaan maanta ka furmey Beydhabo ayaa waxaa soo qabanqaabisey  wasarda arimaha gudah iyo dib u hishiinta K/Galbeed kaas Oo  loogu hadalayay Arimo dhowar ah Iyadoo wasarda Arimaha Gudaha iyo Dib u hishiisiinta ka Xog dhageysatay masuuliyinta gobalda iyo Degmooyinka ee Maamulka k/Galbeed.

Shirka ayaa socon dona ilaa mudo sedax Cisho ah Intuu socdo shirkaan ayaa loogu hadali doonaa Arimo dhowr ah Oo ay ka mid yihiin Sidii Maamulada haatan jira ay ugu shaqeyn lahaayeen dhisida Golayaasha Degaanada  kuwaas Oo soo xuli doona Galaha Baarlamaanka Maamulka K/Galbeed.

Mida Xigtana waa siddii loo heli lahaa tirokoobka dadweynaha Maamulka K/Galbeed iyadoo tirokoobkaasina lugu jaangooynayo Marwaliba Oo ladoonaya in ay ka hanaqaado hanaanka doorasho qof iyo Cod ah iyadoona Maamulada qaar dhulalkooda wali ay faraha ku hayaan Ururada Argagixisada Ee Al Shabaab.

Shirkaan Noocaan ah ayaa ah kii ugu horeysey Ee ay Wasaarada Arimaha Gudaha iyo dib u hishiisiinta  Maamulka K/Galbeed  uu sidaan Oo kale isagu Xirmo iyadoo ayse wali Degaano badan Al Shabaabku Gacanta Ugu jiraan.

Image may contain: 1 person, sitting
Image may contain: 3 people, people sitting
Image may contain: one or more people and suit
Image may contain: 4 people, people sitting
Image may contain: 4 people, people sitting
Image may contain: one or more people and people sitting
Image may contain: 3 people, people sitting and suit
Image may contain: 1 person, standing

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *