Ra'yiga

(Akhriso):-Ma Moodaa waxa ka socda Maamul Goboleedka Hirshabeele in Kutalo gal yahay.

U fiirso waxaa gabi ahaanba joogsaday howlgaladii Shabaab lagula dagaalamaayey.

Caksigeeda Shabaab ayaa weerar ah , waxaa gabi ahaanba amni xumo u xirmay wadada MUqdishio iyo Balcad iyo tan Jowhar iyo Balcadba.

waxaa shabaab dhowr jeer Qabsadeen iskoodna ugu baxayeen Degmada Balcad oo muhim u ah amniga caasimada iyo isku xirka Gobolada Hirshabeele.

waxaa la laayey xildhibaano Maamul goboleedka hirshabeele ka tirsanaa .

waxaa maamlmo ka hor la laayey sarkaal iyo ciidan ka tirsanaa ilaalada qaaska ah ee madaxtooyada hirshabeele gaar ahaan madaxweyne ku xigeenka cali guud laawe

waxaa daraad la dilay gudoomiye xigeenkii gobolka Shabeelada dhexe

waxaa meel fagaare ah shabaab ku toogteen odey 80jir ah xaafad degmada jowhar ka tirsan odey ka ahaa .

Ogow dhacdooyin badan oo kuwan ka horeyey weyjiraan laakin intaan waxaan u sooqaatay waa dhacdooyinkii u danbeeyey oo ka dhacay gobolka shabeelada dhexe kaliyah.

U fiirso isla Hirshabeele gobolka hiiraan waxa ka taagan

buulo burte waa godoon maalintii la qabtay ilaa maanta marwaliba dagaalo shabaab ku soo qadaan aan aragnaa

waxaa u dheer dagaalo la abuuray oo xaga maamulka degmada masuuliyiintiisa la dhexdhigo .

baladweyne oo xarun u ah gobolka hiiraan gabi ahanba waxaa joogsaday la dagaalnkii shabaab looga jiray bilo ka hor

waxaad ogtihiin in shabaab xero ciidan gobolkas kutaala ciidan badan ku laayeen hubna ka furteen.

waxaan aragnaa ciidankii amniga Degmada Baldweyne oo ka cabanaya in mudo ah aysan wax mushaar ah qadan .

waad aragteen odayaasha Hiiran oo ka cabanaya in dowlada dayacday gobolkaas tan iyo intii uu Farmaajo xukunka qabtay .

wax taageero dhaqaale iyo horumar lagama sameyn Hiiraan 3dan sano farmaajo joogay.

wax qabad waxaa ugu danbeysay dowladii xasan sheikh odayashaana cadeeyey oo soo bandhigay xitaa gawaaridii booliska degmada ee dowladii xasan sheikh keenray in maanta iyagoo dayacan dhexyaalaan Xarunta saldhiga booliska degmada .

waxaad aragteen Hiiran oo amni xumo ka jirta in ciidankii loo diyaarinaayey in amniga gobolka sugaan in loo daadgureeyey gobolka galgaduud si doorashada galmudug loogu adeegsado .

markaad intaan iyo in kabadan isku darsato maxaa kuu soo baxaya in maamulka farmaajo ka damacsanyahay hirshabeele .

soo ma ahan in la burburiyo waxa yar ay heystaan Reer Hirshabeele

Anagoo og waxii lagu sameeyey Madaxweynihii hore ee Maamulkan iyo kan hada lagu juujuubayo.

FG. ogoow waxaa isu fursaa wadooyinka jowhar iyo xamar ka hor Framaajo maantase waad xiranyihiin .

W/Q Abdirixmaan Shaan Qoryooley hfcb

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *