Wararka

(Xog):-Gudoomiyihii hore Ee Golaha Barlamaanka FS Oo Muqdisho ku Soo Wajahan.

Gudoomiyihii hore ee Golaha Baarlamaanka Soomaliya Maxamed . Sh .Cismaan Jawaari Oo dalka dibada ugu maqanaa ayaa ku soo wajahan Magaalada Muqdisho.

Maxamed sheekh Cismaan Jawaari Gudoomiyihii hore Ee Baarlamaanka Oo Xogo nala wadaagey ayaa inoo Sheegey in dhawaan furmi doono kalfadhiga Baarlamaanka Soomaliya Ajendaha looga hadlaayana uu yahay Baasinta Sharciyada Doorashooyinka lagu wado in ay ka dhacaan 2021 Soomaliya.

Jawaari Oo aan weydiiney sida ugu macquulsan ee doorasho ku qabsoomi doonto ayaa inala wadaagey in doorashadu ka dhici doonto oo kaliya degaanada Dawladu faraha ugu jira aysana ku jirin kuwa Cadawga Al Shabaab Gacanta ugu jira.

Markii aanu wareysaney in ay jiraan in Odayashii soo xuley Baarlamaanka iminka jira Al Shabaabku u yeerayaan ayaa ku sifeeyey in Shabaabku doonayaan in ay rag soo xushaan markaasna ay ku darsadaan Baarlamaanka taasi oo aad nooga Fajicisey

Waxaa kale Oo aanu wareysigeena ku weydiiney ayaa aheyd sidatan

Maxay dowladu Xal kale oo wadahadalo ugu dayi waaysey Ururka Al Shabaab maadaama haatan Mareykanka ruuxadiisu wadahadalo la galey Ururka dhaalibaan,

Jawaari ayaa  ku tilmaamey in taasi laga doonayo Dawlada iminka Majaraha u heysa hogaanka Wadanka Maadaama iyada laga doonayo in ay xasiliso gebi ahaanba wadanka kuna soo dabaasho Amni waara Soomaliya.

 Ugu Danbeyn dad badan Ayaan Aaminsaneyn in wadanka doorashooyin qof iyo Cod ah aanan  ka dhici kareyn madaama Amni xumo ka jirto meelo badan Oo ka mid ah soomaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *