Wararka

Ra’iisal Wasaaraha Dalka Oo ka qeyb-galay Shir looga hadlayay Arrimaha Soomaaliya:-(Sawiro)

Ra’iisul wasaaraha dalka mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Washington kaga qayb galay shir ay isugu yimaadeen wadamada Deeq_bixiyayaasha kaas oo looga hadlay horumarka dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka maaliyadda dalka Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo qayb ka ah wafdiga ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in Madaxdii caalamka ee shirka ka soo qeyb gashay ay qireen in Soomaaliya guul muhiim ah ka gaartay horumarinta iyo hufnaanta Maaliyadda Dalka iyadoo masuuliyiinta Soomaaliya ay balan qaadeen sii wadida dadaalka lagu horumarinayo Maaliyadda Soomaaliya.

Sidoo kale Ra’iisul Kheyre ayaa la filyaa in maalmaha soo socdo uu ka qeyb-galo shirka sannadlaha ah ee Bangiga adduunka iyo hey’adda lacagta adduunka (IMF)


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *