Wararka

Ururka Al Shabaab Oo la Wareegey Gacan ku heynta Degmada Dhoobley

Wararka laga helayo Magaalada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose oo ku taalla xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa ay sheegayaan in saakay ay Al-Shabaab dagaal kula wareegeen deegaan duleedka ka ah Magaaladaas.

Al-Shabaab ayaa weeraray deegaanka Bed-alamo halkaas oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal kooban oo Shabaab ay kula wareegeen deegaankaas.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa xaqiijiyey inay Shabaab la wareegeen deegaankaas,isla markaana ay isaga baxeen Ciidamada Jubbaland oo mudo ku sugnaa.

Al-Shabaab ayaa warar ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxaa ay ku sheegteen in gebi ahaanba ay la waregeen gacan ku heynta deegaanka Bed-alamo,isla markaana dagaalkii dhacay wax khasaaro ah aysan ka dhalan.

Saraakiisha Ciidamada Jubbaland iyo maamulka degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose weli kama hadlin dagaalka ka dhacay deegaanka Bed-alamo iyo la wareegitaanka Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *