Maqaalo

Wax ka ogow mucjisooyinka ku meersan meeraha saxal “saturn” (WQ: Rashiid Odowaa)

Meeraha (Saxal,Sukhra,ama Cirjiidh magacyada) ay inta badan Somalidu u taqaanno,dhinaca Cilmigana loo yaqaan Saturn,waa meeraha lixaad ee bahda cad-ceedda,waa Xidigta midabka Jaalaha ama Hurdiga ah leh ee habeenkii ka dhalaasha dhinaca Bari ee cirka,meerahana ama Xiddigan oo illaa casri jaahiligii la yaqaannay,waxa uu masaafo ahaan u jiraa dhulkeenna qiyas dhan 1.2 bilion km waa meeraha labaad ee ugu wayn bahda cad-cadeedda marka laga reebo “Jubitter” waxa uu ka waynyahay 10 jeer dhulkan aynu ku noolnahay,waxa lagu tilmaamaa inuu ka samayasn yahay Neefo haydrogene iyo helium dareere ah iyo silicon iyo ogsajiin isku samaysan oo loo malaynayo inay ubucda hoose fadhido iyo duufaanno cartamaya oo badhaha meeraha uga kala goosha cidhifyada,sidaas oo ay tahay haddana marka dayax gacmeedku meel fog ka sawiro waxa uu u egyahay mid deggan.

Atmosphere kiisu wuxu ka samaysan yahay haydrogene,Helium,Methane iyo Biyo meerahan oo aad u wayn ayaa haddana waxa lagu tilmaama inuu dul sabbayn kari lahaa haddii la dul dhigo Bad isaga ka wayn,macnaha Cufnaantiisa oo ta biyaha ka yar darteed,mana laha oogo la taaban karo,sanadkii 2004 kii ayaa dayaxgacmedka hoygene uu ku dejiyay qalabkiisa wax baadha meerahan,hase ahaattee muu soo noqon qalabkaasi ee wuxu sawirro ka soo gudbiyay uun ubucda Meeraha,sawir adaasi  Hillaac iyo duufaan mooyee wax kale may sheegin.

Meeraha Saturn wuxu qorraxda ku wareegaa,inta uu dhulkeenu cadceedda ku wareego sagaal laabkeed fogida uu ka fogyahay cadceedda awgeed,waxa la yidhaa 95 jeer ayuu ka mugwaynyahay dhulka aynu ku noolnahay,Romankii hore ee casri jaahiligu waxay u yaqaanneen xiddigan ilaaha Beeraha,macnaha xilliga uu aadka u iftiinka badan yahay ee uu soo dhowaado waxa aawan beeraha ayay odhan jireen,oo waa xilliga la goosto,ama waxay u yaqaannan astaan u taagan xilliga beeraha ay haboontahay in la beerto.

Waxyaabo badan oo cajaaib ah ayuu meerahan kaga duwanyahay meerayaasha kale,waana sababta ay saynisyahanadu indhaha ugu hayaan mar walba si bal wax looga ogaado mucjisooyinka u gaarka, dayaxgacmeedka Cassini iyo Hoygene oo sitta laba Saynisyahan magacyadood oo hore wax uga ogaaday meerahan,ayaa sahan ugu maqan oo cilmi baadhis ku sameeya meerahan iyo cajaaibka ku xeeran,waxa kaloo isaguna ku foogan Howsha meerahan aaladda Telescope ka loo yaqaanno “Hubble”si gaara waxa u soo jiitta Saynisyahanada Giraanta ku wareegsan meerahan oo la fahmi la yahay aqoonta ku duugan,waxa la sheegay giraantani inay ka samaysantahay hadhaaga dhagxan walax cireedyo  iyo barafyo adke noqday, oo leeg ama la mida Buuraha,waxa loo malaynayo inay yihiin walax cireedyo isku samaysmay,giraantan waxa lagu qiyaasayaa dheroorkeeda inay ka balaadhantahay dhulkeenna afar jeer iyo badh,lkn dhumucdeedu kama wayna 1/3 mile,xagasha giraanta iyo meerahan ay ku wareegsantahay fogaanta ay isu jiraan waxa lagu qiyaasay 6000km, Giraantan waxa loogu magac daray Giovani Cassini oo ahaa Saynisyahankii ogaaday in giraantan ay u qaybsantahay saddex oo u dhexeeyo liiddimo banaan,hase ahaatee waxa haddana dhowaan la ogaaday inay ka badanyihiin oo Giraan kastaba ay u sii qaybsantahay kumanaan giraamood iyadoo giraan kastaaba liidimo aaad u farobadan oo midabbo sameeya ka koobanyihiin.

Meerahan waxa uu leeyahay 62 dayax hase ahaattee 52 ayaa magacyadooda la yaqaannaa,waxa ugu wayn Dayaxa loo yaqaan “Tittan”oo isagana cilmibaadhis loogu jiro ka dib markii la ogaaday inuu aad ugu egyahay dhulkan aynu ku noolnahay, waxa ugu yar “Enceladus” waxa kaloo jira walax cireedyo aan la fahmayn oo si joogto ah u dul yaacaya meerahan,iftiinka dayaxyada iyo meerahan oo shaqalka

giraantiisa watta ayaa waxay sameeyaan midabyo cajiib ah oo aan wax lagu qiyaaso la fahmi Karin,waxay sameeyaan sagal iyo midabyo u eg jeegaanta oo aad u qurux iyo cajaaib badan,waana arrinta sababta inay aad u muuq dheeryahay meerahan,oo kaga duwanyahay xiddigaha iyo meerayaasha kale.

Inta badan si caadi ah ayaa loo arkaa meerahan marka lagu eego qalabka dhoweysada ama telescope,waxana si toosa loo arki karaa meerahan yaabka badan iyo giraamaha ku wareegsan,iyo midabyada quruxda badan,xattaa meerahan waad arki kartaa habeenka Madow,hadaad cirka eegto adigoo aan adeegsan qalab,waxad arki kartaa isagoo cirka ka bidhaamaya oo midab Hurdi dhalaalaya,dhinaca kale Somalidu si ayay uga faallin jireen xiddigan oo mararka qaar waxa la sheegaa inuu godkiisa ka guuro oo Matalan soo dhowado xilligaas waxay odhan jireen Saxal ayaa jira oo hawada ayaa is beddel keenta,waxana xoolaha soo gaadha xanuun ama bukaan,waxana laga maqli jiray iyagoo Somalidu yidhaa xoolaha Saxal ayaa ku jira.

Meerahan ama xiiddigan kuma soo koobi karno cajaaibkiisa maqaal yar lkn waa mucjisooyinka ilaahay uu kownkan ku abuuray in yar oo aan ahayn irbad caaradeed hase ahaatee aqoonta lagama dhergo,waxa ka kordhaysa inaad abuurka ilaahay si toosa u aqoonsanaato,iyo inaad qayrkaa cilmiga la qaybsato,Somaliduse waa kambal daaq qabiilka uun garanaysa ee aan indhohoodu horumarka iyo cilmi baadhista adduunka ka socotta aan shaqo ku lahayn.

W/Q Rashiid odowaa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *