Wararka

R/W Xasan Cali Khayre oo Tacsi ugu tegay Qoyska iyo Ehelada Guddoomiyihii Gobolka Banaadir:-(Sawiro)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqedisho ayaa tasci ugu tegay qoyska iyo ehelka guddoomiyihii gobalka Banaadir, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa la kulmay Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo maamo Nuuriye Xassan Isxaaq oo hooyo u aheyd guddoomiyihii gobolka Banaadir, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ee u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray weerarkii  dowladda hoose ee Xamar.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo dhammaan ehelka ayaa Ra’iisul Wasaarha uga mahadceliyay tascida uu ugu yimid qoyska.

Ra’iisul Wasaaraha oo saxiixay buugga tacsida ayaa sheegay in Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan uu ahaa mas’uul Soomaalinimadu ku wayntahay, u taagnaa qarannimada oo aan ka daalin u adeegidda bulshada, waxa uuna Allah uga baryay in uu u naxariisto.

Image may contain: 3 people, people sitting


Image may contain: 3 people, people sitting

Image may contain: 3 people, people sitting, table and indoor
Image may contain: 1 person, sitting


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *