Ra'yiga

(Akhriso):-Diyaarado milateri Oo iska Dega Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade oo aan la Aqoon waxay sidaan.

Ka dib burburkii wadanka Soomaliya ayaa noqotey meel bahalo galeen ah taas oo keentey in ay beesha Caalamku ka caawiso la dagaalanka Argagixisada sida Ururka Al shabaab iyo Daacish Oo iyaga haatan ku sii fidaya Soomaliya.

Iyadoo dagaalka lagula jiro Argagixisadu uu qoto dheeraadey hadana laguma guuleysan in laga saaro Soomaliya oo idil iyadoo maandeyka Dowlada FS uu ahaa in ay ka saarayaan gebi ahaanba soomaliya.

Hadaba argagixisada ayaa maalin walba ka geysta wadanka gudahiisa falal bahalnimo ah oo ay ku bartilmaamsadaan shacab birimageydo ah oo aanan is difaaci kareyn.

 Si kastaba ha ahaatee Diyaarado badan oo milateri ayaa maalin walba ku soo dega garoonka aadan cade  oo aysan baarin Ciidamada kastamka ee garoonka aadan cade amaba ku dhicin iyagoo markaasi Ogeyna Diyaaradahaasi waxa ay sidaan ma jirto Caalamka meel ay ka jirto aan ka aheyn Soomaliya.

Meelahan ay diyaaradahaani degayaan ayaa waxaa ay dabada kula jiraan Xaafada  Chelsiya ee anagu aanu u naqaano Xalane.

Si kastaba ha ahaatee waxaa la gudboon in Ciidamada Amaanka Garoonka Aadan cade ka warheyn karaan waxyaabaha ay sido diyaaradahan degaya maalin walba Garoonka.

Uma maleeynayo in ay jirto qof  wax macluumaad ahi ka hayo waxyaabahaan diyaaradahaanu sidaan taas oo soomali badan shaki ka muujiyeen.

Ugu danbeyna waxaan ku soo koobayaa hadalkeyga waa in xukuumadu  FS isku dayaan in ay ka helaan Wax macluumaad oo ay diyaaradahani degaya maalin walba garoonka Aadan Cade sidaan ugu yaraan hab si qoraal ah xitaa.

W/Q:-  yuusuf Cabdi Xasan home facebook

Qof walba waxaa uu xor u yahay fakerkiisa taasi ma ahan mid ka turjumeysa Shabakada Hareerley  amaba ay la qabto inagu waa aan soo bandhignaa oo kaliya mana la qabno shaqsigaa fekerkiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *