Ra'yiga

Baaq CODSI AH ee kusocda Xildhibaanada labada Gole ee Federaalka Soomaaliyeed:-(Akhriso)

Waxaan Xildhibaanada labada Gole ka codsanayaa in aay ka horyimaadaan DHULBADEEDKA SOOMAALIYEED oo lagu soo koobayo 12nm.
Waa ayaan darro in la heli waayo 20 Xildhibaan oo MOOSHIN KA GEEYA DHULBADEEDKA SOOMAALIYEED oo lagu soo koobayo 12nm ayadoo la TIRTIRAYO LAW 37.

Anigoo QAXOOTI ku ah dal shisheeye ayaa waxaan difaacay LAW 37, waxaana hilfaha u qaada MASHRUUC aay wadday Boqortooyada NORWEY in aay cabbir cusub u sameeyaan DHULBADEEDKA SOOMAALIYEED ayadoo la iska indhatirayo LAW 37. Mashruucaas waa hakaday, laakiin jid kale ayaa hadda lasoo maray.
http://somalitalk.com/2011/badda/difaac1.html
(Markii irridka laga xiray, bey darriishadda kasoo galeen).

Tirtiridda Law 37 waa qorshe gurracan oo muddo dheer laga soo shaqeynayay.
Linkiskaan furo:-
http://somalitalk.com/badda/difaacid04.html
YAAN LA ISKA AAMUSNAAN ILLA LAGA GAARAYO (18 December 2017) oo ah maalinta maxkamadda dib loo furayo.
Maantay Xildhibaanada labada Gole waa awoodaan in aay inoo badbaadiyaan LAW 37.
Cid ka hor imaan karta GOAANKOODA ma jiro.

W/Q – Bashir Mahamud home Facebook

Qof walba waxaa uu xor u yahay fakerkiisa taasi ma ahan mid ka turjumeysa Shabakada Hareerley  amaba ay la qabto inagu waa aan soo bandhignaa oo kaliya mana la qabno shaqsigaa fekerkiisa.



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *