Ra'yiga

C/C shakuur Oo qubuliyad ku Tuurey Dowlada FS hadaba Maxaa ka Saxsan hadalada C/C Shakuur :-(Akhriso)

C/C shakuur Warsame Oo Shaleyto wasaxaafadeed ku qabtey Xarunta Xisbigiisa Wadajir ayaa ka dhawaajiyey hadalo badan Oo maskaxda daalinaaya hadaladaas Oo C/C shakuur ku sheegey in dowlada iyo Al shabaab isku dhex milmeen taasi waa mid mida kale Cabdirixmaan ka dhawaajiyey ayaa ah in Al shabaabku Cashuuro ka gurtaan Ganacsatada Somaaliyeed ee Alaabaada kala soodega Dekada Muqdisho iyo in doorashooyinka dowladu dib u dhigeyso dooneysana in sanado ku darsato.

Hadaba waxaanu falanqeyneynaa hadalada aanu kor ku soo xusney waa kuwa ugu muhiimsan Oo u baahan in diirada la dul saaro tan Maammul Gobaleedadu Taasi waa mwduc laga soo daaley oo shacabku ka dharagsan yihiin Cabdirixmaana Ogyahay in Odayaashan la shaqeynta dowlada dhexe ka biyo diideen.

Mida koowaad Maxaa ka jira in dowlada iyo Al shabaabku isku dhex milmeen taasi Madaxweyne Farmaajo ayaa horey u sheegey in dowlada lagu dhex jiro mida taasi daliil u noqoneysana waxay tahay In Gudoomiyaha Gobolka Baanaadir loogu xirey walxaha Qarxa bartiisa uu kaga talinayey Gobolka Banaadir Oo aheyd meel Amaankeeda Sugnaa Oo aan la haweysan Karin yaa galiyey yaa ku xirey waa su’aal furan mda kale waxay  tahay kaamirooyinkii CCTV ee ku xernaa meesha yaa damiyey haddii aanse la daminin Xageebay ka baxeen.

Mida labaad ee ah Canshuuro ayay gurtaan taasi waa mid Saxafiyiintu soo bandhigeen ee aheyd mida kaliya ee lala yaaban yahay , Falstiin Oo ah Rug Cadaa Saxafiyad VOAda ah ayaa Barteeda twitterka ku soo qotey Oo sheegtey in Sanadkii la soo dhaafey shabaabku ka Gurteen Canshuur ku dhowaad dhan 30 milyan Oo dollarka Mareykanka ah taas Cadeynteedu aan idinkugu soo liifaaqeyno halkan.

Image may contain: 1 person, text

Mida sedexaad waa tan doorashada C/C shakuur ayaa shalki ka muujiyey in aysan saansaan doorasho ku qabsoomi karaan aanu jirin waa sida C/C shakuur hadalka u dhigaye jawaabta kaliya waxay tahay doorasho qof iyo cod ah ma muuqataa halka haatan Odayaashii Baalamaanka soo xuley looga yeerayo Goobaha shabaabku  ku sugan yihiin Al shabaab iyo Argagixisada Malaga Xoreeyey Wadanka halka haatan ay ku dhex milmeen hay’adaha Dowliga Oo dhan.

Ugu danbeyntii Xukuumaada haatan ayaanan  heysanba waqti ku filan Oo hawlaha horyaalaa aanan aheyn kuwa fudud una baahan in si miirqabta looga baaraan dego lana fuliyo iyadoo la raacayo qorshaha la degsadey.

W/Q yaasiin Cali Xasan home facebook

Qof walba waxaa uu xor u yahay fakerkiisa taasi ma ahan mid ka turjumeysa Shabakada Hareerley  amaba ay la qabto inagu waa aan soo bandhignaa oo kaliya mana la qabno shaqsigaa fekerkiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *