Wararka

Magaalada Marka Oo laga Hirgalinaayo Goob lagu Caweeyo Balse dhismaheedu Socdo aanan la Ogeyn Cida loogu Magacdari doono:-(Sawiro)

Magaalada Marka ayaa ah Goob ilaa iyo haatan ka soo kabaneysa Burbur iyo Dagaaladii Sokeeye ka dib Goortii loo Magacaabey halkaasi Maamul Cusub.

Gudoomiyha Magaalada Marka Cabdulahi Cali Axmed (Waafoow ) iyo Maamulkiisa iyo Maamulka Gobolka  ayaa Xooga saarey sidii loo soo Celin lahaa Bilicda Magaalada Marka kuwaa oo ka Qabtey howlo badan Oo kala duwan.

Godoomiyaha Magaalada iyo Walaalaha Marka Cadeey ayaa dhawaan waxa ay dhagaxdhigeen Goob lagu Caweeyo Balse dhismaheedu Wali socda lakiinse aan la Ogeyn Cida lagu Magacaabi doono iyo Waliba Magaca Loo Bixin doono.

Magacyada loo bixin doono Goobtaan Caweyska ah ma waxay Noqon doonaan halyeey ka soo jeeda Gobolka Shabeelaha hoose mise waxaa loo bixin doonaa Beerta Raaxada Mise Beerta Nabada ilaa iyo Haatan Maamulka Marka waxba meysan ka Oran.

Lakiise Dunida horumartey ayaa Goobwalbaa Oo Jardiina ah ayaa loogu Magac daraa Shaqsi u dhashey Magaalada amaba halyey ah oo Bulshada Magaaladaasi ku dhaqan wax u soo qabtey.

Image may contain: one or more people and outdoor
Image may contain: outdoor
Image may contain: outdoor and nature
Image may contain: outdoor
Image may contain: one or more people and outdoor
Image may contain: outdoor
Image may contain: outdoor and nature
Image may contain: outdoor
Image may contain: people standing and outdoor
Image may contain: people standing and outdoor
Image may contain: outdoor

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *