Ra'yiga

Xildhibaan Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Oo Sanadkaan Gudanaaya Acmaasha Xajka:-(Akhriso)

Waxaa haatan lagu jiraa Cibaadadii Xajka Sanadkaan mar wax laga Wareysanayey Xujeyda Soomaliyeed ee Sanadkaan ka soo qeybgaley Xajka ayaa waxaa shaashada ka Soo muuqdey Xildhibaan Cabdulaahi Sheikh ismaaciil Oo isaga Markaasi ku guda jirey acmaasha Xajka.

Xajka sanadkaan ayaa waxaa ku kulmey rag culus Oo uu ka mid yahay Xildhibaanka Oo Ayaan dhaweyto Madaxweyne Farmaajo u magaabey Gudiga dib u heshiisiinta Soomaliya iyo Soomaliland sida aanu la socono waxaa xajka Gudanaya Madaxweyne  Muuse Biixi  Cabdi iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele.

Waa Fursad dahabi ah Oo qaali ah waxaanse is weydiiyey si hoose oo dibumaasiyad ku dheehan tagay ma dhici kareysaa in loo wada hadlo waloow madaxdu si hoose u wadaxiriiraan.

Wadahadalada Soomaliya iyo Soomaliland ayaa waayahanba sii xumaanayey iyadoo hadalo xanaf ku dheehan tahay hawada leysku marinayey waloow Madaxweyne muuse biixi uu qaabiley Odayaasha dhaqanka kaas oo Dowlada FS ugu mahad Celisey sidii milkaha lahaa ee uu Odayaasha u soo dhaweeyey.

Waxaan hyadalkeyga ku soo gunaanadayaa meeshu waa Xajka Oo ay waliba ka sii haboonaan laheyd in la’isa soo horfariisto Oo ninwalbaa laga dhageysto waxa uu qabo,

Image may contain: 4 people, people standing
Image may contain: 6 people

W/Q :- Xasan Maxamed home Facebook

Qof walba waxaa uu xor u yahay fakerkiisa taasi ma ahan mid ka turjumeysa Shabakada Hareerley  amaba ay la qabto inagu waa aan soo bandhignaa oo kaliya mana la qabno shaqsigaa fekerkiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *