Ra'yiga

Rag Culus Oo kulmey hadaba kulankaan Wax Rajo ah ma ku jirtaa?:-(Akhriso)

Waxaa Soo Gabagaboobey Acmaasha Xajka Ee Sanadkaan  iyadoo Xajka Sanadkaana ay ka qeybgaleen Madaxda Soomaliya iyo Waliba Soomaliland.

Hadaba iyadoo Acmaasha Xajku soo Gabagaboowdey Ayaa waxaa la soo dhigey fb in labada dhinac ay kulmeen iyadoo aanu Ogeyn Xaalku inta uu marayey hadana  Su’aasha qofwalibaa Maskaxdiisa ku soo bodeysaa  waxay tahay  taloow kulankaan Miradhal ma u noqon doonaa Soomaliya iyo in Wadahadalada biloowdaan.

Shacabka Soomaliyeed ee joogaa Waqooyi iyo Koofurtaba waa kuwa Soomali Oo aanan kala Maarmin kala tagoodana midba midka kale ka faa’iidi mayaan in ay daciifnimo ka qaadaan mooyee karaamadoodana hoos u dhac ku yimaado.

Kulankaan ayaa ah mid jenaal hoose ah Oo sida ay ila tahay wax lagu gorfeeyey  iyadoona meesha ay ka soo muuqdeen Rag aad u Culus sida ay ila tahayna waxan qabaa in la sii wado waa dabaalnimo in ay socotaa qori qori ku tag in lasii kala fogaado mooyane.

Ugu danbeyn waa fursad qaali ah una baahan in ay ka faa’ideystaan labada dhinacba ka dibna laga sii Amba qaado halkaas.

W/Q :- Huseen Axmed  home Facebook

Qof walba waxaa uu xor u yahay fakerkiisa taasi ma ahan mid ka turjumeysa Shabakada Hareerley  amaba ay la qabto inagu waa aan soo bandhignaa oo kaliya mana la qabno shaqsigaa fekerkiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *